DSPD

Hordhaca bogga dijitaka gobolka ee DSPD

Goobtaan, waxaad awoodi doontaa inaad ku aqoonsato haayadaha bixiya adeegyada sida daryeelka caafimaadka, hoyga, gargaarka sharciga iyo kuwa kale kuugu dhow meeshaada. Adeegyada waxaa la bixiyaa iyadoo la ilaalinayo xogta iyo sirta ee luqadda iyo dhaqanka. Fadlan ha ka labalabayn inaad si toos ula xidhiidhto bixiyeyaasha adeegyada.

Waaxda Bixisa Adeegga Dijitalka ah waxaa taageera Barnaamijka Maareynta Socdaalka Wanaagsan (BMM).barnaamijka BMM waxaa maalgeliya Midowga Yurub (EU) iyo Wasaaradda Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarinta ee Jarmalka (BMZ). Ujeedadeedu waxay tahay sidii loo xoojin lahaa in la helo urur goboleed isku-xidhan oo ka hawl gala socdaal (dhoofka) badbaadado qaba oo joogto ah, si wax looga qabto ka-ganacsiga iyo tahriibinta muhaajiriinta gudaha iyo kuwa ka imaanaya Geeska Afrika iyo in la ilaaliyo dadka dhibaatada u nugul ee socdaalka ku jira.

Iyada oo Xaaladdahaas ka Duulaysa BMM waxay xaqiijin iyo Ogaansho ku samaysay bixiyayaasha adeegga socdaalka ee ku kala Sugan Wadamada Geeska Afrika,si loo horumariyo Helitaanka macluumaadka ku saabsan xarumaha adeega bixiya ee U fududeeya dadka socda iyo kuwa ku dhiban Tahriibka.

Tani waxay keentay in la heli karo adeeg bixiyayaasha in ay u shaqeeyaan hab qofku uu imanaayo si uu foomka u buuxiyo iyo hab onlin ah in uu adeega uga helo adeegbixyayaasha ku kala sugan Wadamada Geeska Afrika. Markaa, waxay ka caawisaa dadka u baahan inay helaan adeegyo ku habboon oo waafaqsan baahidooda iyaga oo jooga goobaha ay ku suganyihiin.

Intaa waxa dheer, waxa ay u fududaynayaan bahwadaagta nidaamka gudbinta in ay si dhib-yar isku dubaridaan una gudbiyaan dhibanayaasha tahriibka iyo soo galootiga nugul si dhab ah ururada iyo machadyada bixin kara kaalmada ugu fiican.

Taageerada BMM waxaa fuliya 5 hay'adood oo caalami ah: British Council, CIVIPOL, Deutsche Gesellschaft für Internationale Zusammenarbeit (GIZ) GmbH, Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) iyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee ka hor taga Daroogada iyo Dambiyada (UNODC). GIZ waxay madax ka tahay iskaashiga fulinta waxayna mas'uul ka tahay hirgelinta DSDP.

Waxaa taageeray

We value your privacy

The DSPD website uses Strictly necessary Cookies which are required to use its features, which include the ability to sign in and remember your login status and actions across pages.

You can still opt out from this requirement by clicking decline below and continue using the website, but the behaviour of the website may be suboptimal if you need these features.